Imtixaanada Fasalada 4-aad ee Dugsiyada Sare Oo Arday Badan u Fariisteen..

Education Somalia news

Warbixin laga helay Imtixaanada Shahaadiga ee Fasalada 4-aad ee Dugsiyada Sare ee Sanadkaan ay u fariisanaayan Arday tiradoodu lagu sheegay 37038, iyadoo tirada xarumaha ay yihiin 136 Goobood, tirada Dugsiyadana 736, halka tirada Shaqaalaha kormeeraya 2,870 ah iyo Xoogaga Amaanka ee ka howlgalaya oo ah 2176 Askari dhan yihiin…

Munaasabadaan ayaa waxaa daah furay magaalada mogadishu Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Xamza Cabdi Barre oo imtixaanaadka, isagoo farriin guud u diray Dadka Soomaaliyeed “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay imtixtaanka qayb ka noqdaan oo ay kala shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashada”.

Dhinaca kale Magaalooyinka Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa waxaa markii ugu horeysay muddo ku siman 33 sano kadib maanta looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda Federaalka, waxaana imtixaanka u fariistay illaa 1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira.

332900cookie-checkImtixaanada Fasalada 4-aad ee Dugsiyada Sare Oo Arday Badan u Fariisteen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com