Dhaqaale Xumo Baahsan Oo Maamulka Villa Somalia & Sababaha Keenay…

Somalia news

Maamulka Villa Somalia ayaa la warinayaa iney xiligaan wajahayaan maalmo adag oo xagga Dhaqaalaha ah, iyadoo guud ahaan magaalada Mogadishu si weyn looga dareemay taasoo saameysay Shaqaalaha & Shacabka, waxeyna ay ku riixday Maamulka Kooxda Demu jadiid iney iibiyaan (Xaraashaan) dhulalkii Danta guud, in Lacago Baad ah lagu soo rogay Rakaabka Duulimaadyada gudaha & Xarumaha Jaamacadaha…

Khubarada arrimaha Dhaqaalaha ayaa dood adag ka keenay sida Kooxda Villa Somalia u maareyso dhaqaalaha Boqolaalka Millions US$ ee ka soo xarooda Canshuuraha laga qaado Shacbiga Magaalada Mogadishu, waxeyna ku sifeeyeen (Khubardo) Qodobada hoosta ku xusan:-

-Safarada macno darrada ah ee xargo goostay ee Madaxweynaha Dalka Dibadiisa ugu baxo oo uu horeyna u sii qaato 400,000 US$ safarkiiba.

-Qandaraasyada la siiyo Kaadiriinta, Qaraabada Madaxweynaha iyo Shaqsiyaadka ku xiran Qoyska Madaxweynaha, kuwaasoo aan waxba Dowladu ka faa’iidin Lacagtana waxey ku dhaceysa Gacmo kooban, dhiiri galiyana Musuqmaasuqa iyo Eedxa.

-Hal Abuur xumida Maamulka Damu jadiid taasoo la xiriira tayo iyo xulasho xumida Xilalka Dowlada, iyadoo la warinaayo in Dhaqaalo Billions ah ay ku xayiran yihiin Hey’adaha World Bank iyo IMF mana jirto qorshe cad oo Dowladu u degsan iney ka faa’iideysto Dhaqaalahaasi.

-Maareynta Dhaqaalaha:- Ilo wareedyo ayaa sheegay in si qaldan loo maareeyo Dhaqaalihii yaraa ee Dowladu ka soo xarooda magaalada Mogadishu, taasoo hadii aan wax laga qaban uga sii dari karta Fashilka Kooxda Villa Somalia.

-Fashilka Howlgalada iyo Dagaalka Kooxda Shababka.

Maamulka Xadan Sheekh waxaa la gudboon inuu dib u qiimeeyo xulashadiisa ku aadan Golaha Wasiirada, Agaasimayaash guud iyo Xilalka kale ee Dowladda kuwaasoo la degay Nidaamkiisa, waxaana loo baahan yahay in la tayeeyo Hal abuur Dhaqaale iyo kobcin la raadiyo, Maareynta dhaqaalaha xooga la saaro Mas’uuliyiinta aan tayada laheyn xilalka laga xayuubiyo.

313930cookie-checkDhaqaale Xumo Baahsan Oo Maamulka Villa Somalia & Sababaha Keenay…