Ma Dhabaa in Diyaaradii Xaamulka Siday ay Ka Degtay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa (HGS)..

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa laga helayaa Diyaarad ku diwaangashan P4-JAG, laga leeyahay Thailand Tirsiga-duulimaadkeeduna yahay JAG1318 ayna horey u sheegtay Hey’adda Hawada iney u diiday ogolaanshaha ka dagida Garoonka Diyaaradaha Hargeysa 2-maalin ka hor, ayaa kadagtay Garoonkaasi, kadib markii wada hadalo ay yeesheen Ganacsatada u kireysneyd & Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Diyaaradaan ka soo duushay Garoonka diyaaradaha magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii ay dejisay Xamuulkii saarnaa, iyadoo goor dhoweyd diyaaradu ka duushay Garoonka diyaaradaha Hargeysa dibna ugu laabatay Magaalada Sharjah ee UAE.

Diyaarada ayaa waday xamuul (Cargo), taas oo ay sheegtay 2 maalin kahor Hey’adda Hawada Somalia (SCAA) in aysan faahfaahin ka bixin shirkadan agabyada ay wado,kal hore 13-kii bishan ayay diyaaradan agabyo xamuul geysay Hargeysa, kuwaasoo aan tafaasiil laga heynin.

302500cookie-checkMa Dhabaa in Diyaaradii Xaamulka Siday ay Ka Degtay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa (HGS)..