Isgaarsiinta Dalka Oo Cilado Farsamo Soo Food Saartay

Politics

Wararka naga soo gaaraya deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada dalka ayaa  sheegaya in halkaas saacadihii la soo dhaafay ay ka da’een Roobab xoogan oo ay ku diirsadeen dad iyo duunyada. Roobabkaan oo ah roobabka xiliga gu’a ayaa khasaaro badan geeystay, robabkaasi oo dhibaato u geystay Qalabkii Isgaarsiinta..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Roobabkaan ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn uga da’day degmada Badhaadhe iyo degaano hoostaga degmadaas. Dhinaca kale waxaa saakay hawada ka maqan Isgaasriinta deegaano dhowr ah, kadib markii ay Biriq ku dhacday Towerkii Shirkadda Hormuud ee deegaanka Buurgaabo, taas oo keentay in Isgaarsiinta deeganadaas ay Go’do.

Waxaa la sheegyaa in Isgaarsiinta ay ka maqan tahay deegaanka Raas-Kaambooni oo ay saameysay Biqdii ku dhacday Xarunta Shirkadda Hormuud ee Buurgaabo, waxaana adeg in la helo adeegii EVC-Puls oo muhiim u ah dadka deegaanka. Roobabka Gu’ga ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay  deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Jubbooyinka, Galguduud, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Gobolka Hiiraan.

24640cookie-checkIsgaarsiinta Dalka Oo Cilado Farsamo Soo Food Saartay