Ilaalada Senataro Oo Dil Geystay

World

Dabley ilaalo ka ah Guriga ay Dhuusamareeb ka dagan yihiin Senatarada Dhagay iyo Dhagdheer ayaa dilay Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye oo ka mid ahaa dhalinyarada Magaaladda Dhuusamareeb….

Marxuumka la dilay oo Wade ka ahaa Gaari magaalada ayaa, waxaana la sheegay inuu marayay waddo xirneyd oo laga ilaaliyo guryo ay Dhuusamareeb ka degan yihiin Senatarada kala ah Ugaas Dhagey iyo Dhagdheer ka tirsan aqalka sare.

Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Xirfada darawalnimada waxa mudooyinkii dambe darawal u ahaa Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu horay ula soo shaqeeyay ururkii siyaasiga ahaa ee Ahlusunna waljamaaca mudadii uu dagaalka kula jiray Al Shabaab,waxaana dhalinyarada taqaanay ku tilmaan in uu ahaa dhalinyarada firfircoon oo dabciga Wanaagsan.

Xildhibaanada Mucaarad ah ee kala ah Axmed Macalin Fiqi, Mahad Maxamed iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa ka tacsiyeeyay geerada AUN Shafici Cabdi Xaaji Diiriye.

Laamaha Amaanka Magaaladda Dhuusamareeb wali kama hadlin dilka Shaacifi Cabdi Xaaji Diiriye iyo waxa sababay hayeeshee wararka Soo gaaray Xaldoon.net ayaa sheegay in uu ka dhashay muran dhex maray Shaafici iyo askarta ilaalisa Guriga ay Dhuusamareeb ka daganyihiin Senetar Dhagay iyo Dhagdheer.

24670cookie-checkIlaalada Senataro Oo Dil Geystay