Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisado xoogan oo ka taagan Magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan kadib markii ay Hogaanka NISA sheegeen iney Kooxda argagixisada Shababka ay dileen Gabadhii Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Hey’adda Nabadsugida, inkastoo ay Kooxdu iska Fogeysay Dilka…
Xogo loo qaateen ah ayaa sheegay in Agaasimaha Hey’adda NISA Adeege Fahad Yasin uu safar deg deg ah ugu baxay Magaalada Dooxa, 2-dii Bishan sidoo kale markii ay Koox ka tirsan NISA ay afduubteen Marxuumada Ikraan Tahliil ayuu safar aan la qorsheyn ugu baxay Magaalada Dooxa 26-kii-6-2021. Waxaana la sheegay in afduubka iyo dilka Safarada Dooxa ay isku xiran yihiin.
Dhanka kale Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Gabadh uu Abti u yahay Fahad Yasin iyo 2-caruur ah oo ay dhashay ayaa lagu afduubtay Magaalada B/weyne, wuxuuna afduubka la xiriiraa Dilka ay geysteen Kooxda dishay Marxuumada Ikraan Tahliil, sidoo kale Kooxda Argagixisada Shababka ayaa iska fogeysay afduubka iyo Dilka Marxuumada Ikraan Tahliil.