Xaalada Caafimaad Ee Wadaadka Mukhtaar Roobow Oo Laga Deyrinaayo

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Xaalad Caafimaad Ee Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow oo muddo 3-sano ah u xiran Farmaajo, iyadoo aan la horgeynin Maxkamada, waxaana la sheegay iney ka sii dartay Xaaladiisa..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow uu ilaa Khamiistii tagtay uu cuntada iyo cabitaanka uu diiday, wuxuuna ka cabanayaa xarigiisa iyo Xaalada uu ku sugan yahay, Sida laga soo xigtay ehelkiisa, iyadoo Hey’addaha xuquuqda Aadanaha ee UN-ka iyo kuwa reer galbeedka ay ka gaabiyeen iney ka hadlaan xariga Wadaadka.

Mr.Yuusf Xasan Mursal oo xiriir dhow la Leh Mukhtaar Roobow ayaa sheega” Sheekha uu cuntada ka soomay, isla markaasna ay Xaalada Caafimaad oo halis ah ay la soo gudboonaatay, wuxuuna ku eedeeyay Mr.Farmaajo inuu ka dambeeyo Xariga Wadaadka wixii ka dhashay uu mas’uuliyadeedu uu qaadi doono”.

127380cookie-checkXaalada Caafimaad Ee Wadaadka Mukhtaar Roobow Oo Laga Deyrinaayo