Maxkamada Gobolka oo Xaraasheyso 30-Tan oo Kaluun ah Laguna Qabtay Markab..

Somalia news

Maxkamadda Gobolka Benaadir ayaa sheegtay inay xaraasheyso 30-tan oo kalluun ah, kaasoo kalluumaysato ajnabi ah ay sifo sharci darro ah ugala soo baxeen xeebaha Somalia, Kaluunkaan ayaa laga Iibinayaa Shirkadaha iyo Ganacsatada Soomaalida…

Maxkamaddu waxay xustay in noocyada kalluunka ay iibinayso kala yihiin, sida loo yaqaano White Tuna iyo Daamberi, Xafiiska Dacwad oogaha ayaa maalin ka hor sheegay in 36 eedeysane oo ajnebi ah oo Maxkamada la horgeeyay, kuwaasoo ku eedeysan inay kalluumaysi sharci darro ah ka wadeen xeebaha Somalia.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa waxay xaqiijisay in dhamaan maraakiibta kalluumeysiga ay si sharci darro ah u uga jilaabta Xeebaha Dalka Sharciga la hor geyn doono, isla markaana aysan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan gelitaanka iyo shatiga kalluumeysiga oo ay ka haysteen Dowladda Federaalka.

252400cookie-checkMaxkamada Gobolka oo Xaraasheyso 30-Tan oo Kaluun ah Laguna Qabtay Markab..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com