Share the post "Kenya Oo Ergo Odayaal ah u soo Dirtay Somalia si Wada xaajood uga Galaan Afduubka…"
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dowlada Kenya oo Ergo isugu jira Odayaal Dhaqmeed iyo Waxgarad ka soo jeeda Degaanada Waqooyi Bari u soo dirtay Somalia di ay wada xaajood ula galaan Kooxda Argagixisada Shababka oo Tiro Odayaal dhaqmeed ka afduubtay Isniintii tagay Degaanadaasi..
Xuuraanada Sirdoon ayaa tilmaamaya in markii la afduubay 5-ta Odayaal Dhaqmeed laga soo talaabiyay dhanka xadka Somalia, waxaana hadda gacanta lagu hayaa rag la tuhunsan yahay in la geeyay xabsi ku yaal degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe, Halkaasi ayaa wada xaajoodku ka bilaawdo, Odayaasha ayaa magacyadoodu kala yihiin Mohammed Adawa, Mohammed Hassan Kulmia, Abdi Hassan Suraw, Mohammed Noor Hache and assistant chief Ibrahim Gabow.
Wararka ayaa sheegaya in tiro Dembi baarayaal ah ay ka wadaan Baaris degaanada Wante, Qurqura, Elele, Ires Kinto, Fino, and Kutayu kuwaasoo Dableyda wax afduubtay la xaqiijiyay iney tageen ka hor inta aysan afduubka u geysan, iyadoo la sheegay iney jiraan tiro Dad la tuhunsan yahay iney si dadban ama toos uga qeyb qaateen Afduubka Odayaasha Dhaqanka qaarkoodna xabsiga la dhigay.
Waxaa taagan cabsi ah in weli nawaaxiga Degaanadaasi ay weli ku sugan yihiin Unugyo ka tirsan Kooxda Shababka Odayaashaani oo la socday Gaari ayaa ka afduubtay ka hor inta aysan gaarin Degaanka Ceel Waaq si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynaha Kenya oo Safar shaqo ku imaan lahaa.