Kenya oo sii Xadidaysa Safarada Muwaadiniinta inkastoo ay Somalia xubin ka tahay Bulshada EAC…

Africa News Somalia news

Inkastoo Dalka Somalia uu ku biiray Dalalka ku bahoobay EAC, haddana waxaa soo shaac baxaaya in Dowlada Kenya si adag u xadideyso Safarada Muwaadiniinta Somalia, iyadoo Kulankii ay wada yeesheen Madaxweynaha Somalia iyo dhigiisa Kenya looga dooday qodobo badan oo xasaasi ah hadana laguma guuleysan in Ajandaha lagu daro isu socodka xorta ah…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in War-murtiyeedka la soo saaray kadib safar shaqo oo laba maalmood qaatay oo uu Madaxweynaha Somalia ku tagay magaalada Nairobi, ayaa diiradda lagu saaray isu socodka xorta ah ee badeecadaha iyo adeegyada, balse waxa uu ka aamusay arrinta si isku mid ah oo muhiim u ah is-dhexgalka Dadka iyo isu-socodka.

Maqnaanshahan muuqda ayaa si gaar ah u quseeya marka la eego maqaamka rasmiga ah ee Somalia ay ku leedahay Xubinnimada Bulshada EAC, oo ah koox goboleed loogu talagalay in lagu hormariyo isdhexgalka dhaqaale, bulsho, iyo siyaasadeed ee Dowladaha xubnaha ka ah, Somalia waxay ku biirtay EAC bishii Luulyo 2024, iyadoo ay jirtay xamaasad iyo rajooyin badan oo laga qabay faa’iidooyinka Xubinnimada, oo ay ku jiraan kor u kaca Ganacsiga, Maalgashiga, iyo isu socodka xorta ah ee Dadka.

Somalia, waxey isla markiiba bixiyay khidmadaha xubinnimada oo dhan 7.8-Millions US$, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay ku biirista Ururka EAC iyo aragtideeda ah in la helo gobol barwaaqo ah oo isku dhafan, Si kastaba ha ahaatee, Muwaadiniinta Somalia weli ma ogaan faa’iidada buuxda ee Xubinnimadeeda EAC, gaar ahaan marka ay timaado dhaqdhaqaaqa xorta ah ee muwaadiniinteeda gudaha Gobolka.

Iyadoo dalalka kale ee xubnaha ka ah EAC ay horumar la taaban karo ka sameeyeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen caqabadaha hortaagan isu socodka dadka oo ay ka mid yihiin hirgelinta Baasaboorka midaysan iyo meesha laga saaray shuruudihii dal ku galka, haddana Somalia ayaa weli ah mid aan laga saarin qorshayaashan, iyadoo muwaadiniinteeda ay la kulmaan caqabado waaweyn takoorid markaad isku daydo inaad u safarto gudaha Gobolka.

Fashilka ku Yimid Dibloomaasiyada & Matalaada

Tusaalaha ugu foosha xun ee takoorkan waxaa lagu arki karaa nidaamka ogolaanshaha socdaalka ee elektaroonigga ah ee Kenya (ETA), kaasoo dhawaan wax laga bedelay si uu xitaa ugu adkeeyo Dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga inay helaan oggolaansho socdaal marka loo eego jinsiyadaha kale, Sida uu qabo nidaamka cusub, Muwaadiniinta Soomaaliyeed waa in ay sugaan ilaa shan maalmood oo shaqo si ay u helaan ETA, halka jinsiyadaha kale ay ku heli karaan oggolaansho daqiiqado gudahood.

Nidaamka ETA ee Kenya waa hal tusaale oo ka mid ah Hababka ballaaran ee takoorka oo ay la kulmaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha EAC, Laga soo bilaabo baraha Xuduudaha ilaa Nidaamyada Socdaalka, Soomaalida waxaa si joogta ah ay ula kulmaan baaritaan dheeri ah, dib u dhac, iyo dhibaateyn marka loo eego Muwaadiniinta kale ee EAC, Tani kaliya ma wiiqayso awoodda Somalia ay si buuxda uga qayb qaadan karto dhaqdhaqaaqyada iyo hindisayaasha Ururka EAC ee waxay sidoo kale xoojinaysaa fikradaha xun xun iyo nacaybka laga qabo Soomaalida iyo heerka ay ka taagan yihiin Gobolka.

347360cookie-checkKenya oo sii Xadidaysa Safarada Muwaadiniinta inkastoo ay Somalia xubin ka tahay Bulshada EAC…