Ciidamo Ethiopian ah Oo Diiday In Dalkooda Lagu Celiyo

Somalia news

Ciidamo Ethiopian ah oo kuna howl galaayay magaca Howlaglka Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa diiday in dalkooda dib ugu laabtaan, kadib markii ay dhameysteen Madaxii, waxaana soo baxaya warar ku aadan sababaha keenay in Ciidamadaan diidaan in dalkooda lagu celiyo….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Ciidamadaan oo ku sugnaa qeybo ka tirsan Dalka South Sudan, ayaa diiday in dib loogu celiyo dalkooda sababo la xiriira amaankooda, kadib markii ay u dhamaatay mudadii ay howlgalka Nabad ilaalinta.

Ciidamadan Ethiopian-ka ah oo tiradadooda lagu qiyaasay 169-askari ayaa la qorsheeyay in dalkooda lagu celiyo, hasa ahaatee 15-askari oo katirsan ciidankan kana soo jeeda gobolka Tigrey ayaa diiday in dalkooda ku laabtaan iyagoo codsaday in halkooda sii joogaan, Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ayaa u sheegay Wakaalada AFP in 15-askar oo ka tirsanaa ciidamada Ethiopia diideen iney raacaan diyaarad dalkooda ku celin laheyd, waxeyna codsadeen magangeliyo.

97340cookie-checkCiidamo Ethiopian ah Oo Diiday In Dalkooda Lagu Celiyo