Madaxtooyada & NISA Oo Iska Kaashanaaya Howlgalo Baariseed

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgallo qorshaysan oo habeenadii ugu dambeeyay ay Ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa NISA ka wadeen Guryo ku yaal qaar kamid ah degmooyinka ku dhow Villa Somalia…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Ciidamadaan isku dhafka ah ay xoog ku galeen guryo gaar ah oo la soo calaamadeeyay, kuwaasoo lagu sheegay iney ku sugan yihiin Xoogaga Mucaaradka iyo Kooxaha argagixisada Shababka, Baaristaan ayaa la sheegay in Ciidamadaan ay bililqo xoogan u geysteen Guryaha qaarkood.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu cabsi xoogan ka qaaday Hoobiyayaal ku weeraray todobaadkii tagay Xarunta Madaxtooyada iyo xaafadaha ku xeeran kuwaasoo geystay khasaare, wuxuuna ku dhaliilay Ciidamada Boliiska iyo kuwa NISA iney ka gaabiyeen sugida amaanka, isagoo amar toos ah siiyay kuwa Madaxtooyada oo u badan Beeshiisa iney ka qeyb qaataan Baarista Howlgalada.

129560cookie-checkMadaxtooyada & NISA Oo Iska Kaashanaaya Howlgalo Baariseed