Keydkii Dhiiga Kenya Oo Laga Xaday..

Health

Wasiirka Caafimaadka Dalka Kenya ayaa ka codsaday Qeybta Baarista Dembiyada (CID) ee Boliiska Kenya iney baaris iyo daba gal ku sameeyaan Xatooyo loo geystay Keydkii Dhiiga ee dalkaasi lahaa…

Mr.Mutahi Kagwe Wasiirka Cafimaadka ayaa sheegay in Dhiig ay ku deeqeen Muwaadiniinta Kenya ayuu sheegay in laga xaday Bangiga Keydka Dhiiga Ee dalkaasi, iyadoo uu sheegay in raadad baariseed ay muujinayaan in dhiigagaasi laga iibiyay dalalka deriska ah Sida Somalia iyo kuwo kale.

Wuxuu intaasi raaciyay in Keydka Dhiiga Qaranka uu gabaabsi yahay, kadib xatooyadaasi, wuxuuna Saraakiisha Boliiska ugu baaqay iney si deg deg ah talaabo sharciyeed uga qaadaan Shaqsiyaadka iibsaday Dhiiga Keydka Dalka, lana soo taago Maxkamadda.

Tirakood laga sameeyay sanadihii 2018/19, ayaa muujinaaya in 1/% Muwaadiniinta Kenya ay dhiigooda ku deeqeen 164-unit, iyadoo loo baahnaa in Sanadkii la keydiyo 1-million oo Unit oo dhiig ah,

22310cookie-checkKeydkii Dhiiga Kenya Oo Laga Xaday..