Share the post "Khaarijinta Marxuumad Aamino & Qeylo Dhaanta Farmaajo Maxaa Xiligaan Keenay"
Macluumaad ayaa laga helayaa dagaal siyaasadeed ay si wadajir ah u qaadeen Madaxa Amisom (Madeira) & Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia kuwaasoo xiriir la sameeyay xarunta European Union ee Brussels, iyagoo ashtako ka gudbitay Twitter-kii ay qortay safiiradda Europe u fadhisa dalka Somalia Tiina Intelmann..
Farmaajo ayaa ku calaacalay madaxda Europe in twitter ka ay qortay Danjiraha EU-da ay isaga halis ku tahay olalihiisa Doorashada, wuxuuna ku eedeyay iney Hal dhinac la safan tahay taasoo keentay in safiiradda la faro iney tirto Twitterka.

Danjirada ayaa qoraalkeeda si adag ugu cambaareeysay (dilalka siyaasadeeysan) taas oo ay aad u dhibsadeen kooxda Farmaajo, Twitterka safiiradda ayaa kusoo aaday dilka xildhibaan Aamino taasoo dad badan ay ku farta ku fiiqeen dilkeeda inuu ahaa Shirqool siyaasadeed, Baaritaan lagu baaqay.