Qorqor Oo Go’aansaday Inuu Weeraro Xoogaga Suufiyada

Somalia news

Kadib markii heshiis hoose laga gaaray Ciidamadii Gadoodka sameeyay isla markaasna dib loogu celiyay xeradii ay ku jireen ( Indha-qaris), ayaa la sheegay in Qorqor oo gacan ka helayaa Villa Somalia & Ciidamo Ethiopian ah ay weerari doonaan Magaalada Guricel dhowaan..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in la diyaariyay qorshihii looga saari lahaa Magaalooyinka Guricel iyo Mataan Xoogaga hubeysan ee Suufiyada, waxaana la sugayaa 3-Horin Oo Ciidamo Ethiopian ah kuwaasoo maalmahaan ka soo talaabi doona magaalada Balanbale, iyagoo qeyb ka noqon doona qorshaha weerar ee Villa Somalia u dejisay Qorqor inuu ku xasuuqo Dadka Rayidka ah.

Dadaaladii ay wadeen Xubno Haween ah iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa Fashilmay, kadib markii uu Qorqor diiday heshiis hordhac ah oo la soo diyaariyay, si looga baaqsado dagaal uu dhiig ku daato, Qorqor ayaa ku eedeeyay Kooxda Suufiyada iney ku gorgortamayaan sidii tiro Xildhibaano ah uga heli lahaayeen Baarlamaanka Federaalka.

Dhanka kale, Xoogagga Suufiyada ayaa isaga baxay degaanka Ceeldheere oo 28-KM u jirta Magaalada Dhuusamareeb, Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay degaanka Ceeldheere kadib markii ay isaga baxeen Ahlusunna, sidoo kale 24 saac ee la soo dhaafay Ahlusunna waxay ka baxeen degmada Matabaan oo ka tirsan  Gobolka Hiiraan iyo degaanka Ceeldheere oo ka tirsan Galgaduud.

144590cookie-checkQorqor Oo Go’aansaday Inuu Weeraro Xoogaga Suufiyada