Farmaajo Oo Hantidhowraha Qaranka U Diray Dhuusa mareeb

Somalia news

Magaalada Dhuusa mareeb ayaa waxaa laga wadaa qabanqaabada soo dhowayn loo samaynayo Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Mr.Maxamed Maxamuud Cali (Ina Afgooye), iyadoo lagu wado inuu isku soo sharaxo Kursiga Senator-ka Ee Beeshiisa, Sida ay sheegeen ilo wareedyo loo qaateen ah…

Xogo ayaa xaqiijinayaa in Hantidhowraha Qaranka uu dhaqaale iyo Balanqaad ka helay Farmaajo, iyadoo la doonaayo in lagu bedelo Senatorada Jawaahir Axmed Cilmi oo 4-sano ee ugu dambeysa ku fadhiyay, waxaa kaloo tartanka ku jira Cabdixamiin Macallin Axmed, Axmed Cabdisalaan iyo Cabdisamad Macallin Maxamuud, Beesha ayaa wax u qeybsata Xubanaha Baarlamaanka iyo Senatorada 3-jiho Konfur, Qorax sin iyo Bari.

Loolanka kursigaan oo ay leedahay Beesha degta Xarunta Galmudug ayaa u muuqda mid adag, iyadoo Musharaxiin badan oo kala taageersan Garabyada Siyaasada isku haya, waxaana laga cabsi qabaa in loo dhaco mid ka mid ah Musharixiinta ka soo jeeda Beesha Cayr.

Imaashaha Hanti-dhowraha Qaranka ayaa ku soo aadaya iyadoo laga dhur sugayo in Madaxwaynaha Galmudug uu soo gudbiyo liiska Musharaxiinta u tartami doonta Aqalka.

133760cookie-checkFarmaajo Oo Hantidhowraha Qaranka U Diray Dhuusa mareeb