Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Hogaanka Sare ee Ururka Xamaas ay qorsheynayaan in Hogaamiyahooda cusub uu magacaabaan Khaled Meshaal oo hore ay isku dayeen iney sun ku dilaan Wakiilo ka socda Isra’il balse ka badbaaday, wuxuuna ku nool yahay Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar..
Meshaal oo 68 jir ah, ayaa mar soo noqday Hoggaamiyihii dibad joogga ahaa ee Xamaas, wuxuuna xilka ka degay Sanadkii 2017-kii, isagoo magaciisa caan ka noqday adduunka oo dhan ka dib markii Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu amray in la dilo, xiligaasi uu ku noolaa Dalka Urdun waxaana lagu duray irbad sun ah.
Warar kale ayas sheegaya in sarkaal sare oo lagu magacaabo Khalil al-Hayya, oo soo noqday ku xigeenka Hogaamiyaha Gaza, uu sidoo kale ugu cadcad yahay inuu beddelo Haniyeh, Sirdoonka iyo Ciidamada Yuhuuda ayaa horey u dilay Hogaamiyihii ugu horeeyay Xamaas Sheekh Axmed Yaasin March 2004, Isra’il waxay Gaza ku dishay beddelkiisii Abdel-Aziz Al-Rantissi bil kadib, Meshaal ayaa xilligaasi la wareegay hoggaanka guud ee Xamaas.
Xogo Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in Hogaamiyaha (Ismaciil Haniya) ee lagu dilay magaalada Tehran uu isticmaalaya What’up Group ee Golaha dhexe ee Xamaas fariimaha isugi diraan taasoi lagu awoonsaday halka uy degan yahay Meertadaan iyo Shirkada Meta waxaa iska leh Ganacsade Yuhuudi ah.