Ma Dhabaa in Xubin ka tirsan Qoyska Madaxweynaha loo Magacaabi doono Maareeyaha Dekedda Mogadishu..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu go’aansaday in Maareeyaha Dekedda Muqdisho u magacaabo Saadaq Cabdikariin oo ka tirsan Qoyskiisa, Sidoo kale Maareeyaha Dekeda Shaqsiga lagu magacaabo Axmed Washington ayaa la sheegay inuu u xushay Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa Muqdisho…

Sida Xogtu xaqiijineyso Shaqsiga Saadaq C/kariin ee loo xulay Maareeyaha Dekadda Badda Muqdisho, ayaa sii kala fogeyneysa Xiisadaha u dhaxeeya Ganacsatada Dekada Badeecadaha kala soo dega, kuwaasoo intooda badan go’aansaday iney Badeecadahooda kala soo degaan Dekadaha Bosaso, Garacad iyo Kismaayo kadib markii Canshuuro badan lagu soo rogay.

Horaantii sanadkan ayeey ahayd markii Madaxa Villa Somalia uu Saadiq u magacaabay wakiilka Somalia ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), waana Mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee Hogaanka WTO u go’aansaday in uusan la macaamilin Saadaq Cabdikariin oo aqoontiisa hooseyso iyo taariikhdiisa wasakhaysan, Saadaq ayaa intii uu ahaa Agaasime ku-xigeenkii Villa Somalia ee xilligii ugu horeysay Naamulka Gurgurte, waxaa lagu eedeeyay inuu dhaqaale badan ka xaday Miisaaniyadda loo qoondeeyay Shaqaalaha Villa Somalia.

Sida lagu sheegay warbixin loo gudbiyay kooxda UN Monitoring Group, markii Madaxweynaha looga guuleystay doorashadii 2017-kii, Saadaq oo uu weheliyo Wasiiru Dowladaha Xiligaan Arrimaha Dibeda Cali Cumar (Ali-Balcad) ayaa wada xaraashay 8 Gaadiidka Xabadaha aan karin (Bulletproof) oo uu lahaa Xafiiska Madaxweynaha, waxay baabuurtan laga iibiyay si suuq madow ah Ganacsato Qaraabo la’ah, Shaqsigaan ayaa ka macaashay in ka badan US$ 750,000.

Magacaabista Shaqsigaan ayaa la sheegay ayaa dardar gelisay Doodaha Dadweynaha, waxayna su’aalo ka keeneen hufnaanta iyo cadaaladda habka go’aan qaadashada Madaxweynaha Ballamaha siyaasadeed ee ku salaysan xiriirka qoyskiisa, waxay wiiqi karaan kalsoonida Shacbiga, iyadoo abuuri kara aragti Kacdoon, Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabto tabashooyinkaas oo uu hubiyo in magacaabista lagu saleeyo hawlkarnimo iyo shahaado ee aan lagu xulin xiriir qoys.

269410cookie-checkMa Dhabaa in Xubin ka tirsan Qoyska Madaxweynaha loo Magacaabi doono Maareeyaha Dekedda Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com