Share the post "Khasaare Ka Dhashay Miino lagu Weeraray Xoogaga Amaanka Degmada Wajeer ee Kenya.."
Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax miino oo lagu weeraray Laba Gaari oo ay saarnaayeen Koox Ka tirsan Howlgalada gaarka ee Boliiska iyo Ilaalada Xuduudaha ee Kenya kuwaasoo kormeer ku tagay Tuulada lagu sheegay iney ku sugan yihiin Dabley Shababka ka tirsan..
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa Miinada uu ka dhashay Khasaare dhaawacyo kala heer ah oo u badan kuwo culus uuna soo gaaray 8-Askari oo Roonada ku maraayay meel u dhow Xuduuda Kenya iyo Somalia, iyadoo bilihii ugu dambeeyay hoos u dhac uu ku yimid Weerarada Kooxda Argagixisada Shababka ee Degaanada Waqooyi-Bari ee Kenya.
Degmooyinka Xuduuda Kulaala sida Gaarisa, Wajeer, Mandheera iyo Lamu ayaa si joogto ah ula kulma Weerarada Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka, inkastoo Dawladdu waxay sheegtay inay heleen dhaqaale badan si kor loogu qaado hawlgallada ka socda aagga xuduudda ee ka dhanka ah argagixisada ayaan darrase waxey ku fashilmeen iney xakameeyaan weerarada Kooxda ku qaado degaanada kor ku xusan.