Ma Dhabaa In Taageerayaasha Farmaajo Oo Isku Uruursanayaan Garoowe

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Kooxo dhalinyaro ah oo taageersan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, ayaa la sheegay in laga soo daabulay degaano ka tirsan Maamulka Dowlad goboleedka Puntland, waxeyna doonayaan in Banaanbaxyo ka dhigaan Magaalada Garoowe…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Dhalinyaradaan oo dhaqaale looga soo diray Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa la sheegay iney ka kala imaanayaan degaanada Laascaanood, Las qoray iyo Boosaaso, waxeyna doonayaa iney Maalinta Jimcaha muddaharaad Rabshada wata ka dhigaan Xarunta Dowlad goboleedka Puntland ee Garoowe.

Wararka ayaa sheegay in Ilaa saddex Gaari oo sida dadkaas abaabulan ayaa shalay iyo saaka soo galay magaalada Garoowe waxaana sida la xaqiijiyay iyadoo Gaari kale uu dhexda ku soo jiro.

Dhalinyaradaan (CBB) oo taageersan Maamulka Fashilmay yew Farmaajo ayaa diyaarsaday boorar lagu soo farsameeyay Magaalada Laascaanood oo ay ku xardhan yihiin ereyo lagu taageerayo Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday.

Dibadbaxyadaan ayaa la sheegay in labada ujeedo oo is dulsaaran uu ka leeyahay Mr.Farmaajo, tan Hore oo ah in la khakhal geliyo Amaanka iyo Xasiloonada Xarunta Garoowe, mida 2-aad ayaa lagu sheegay in Banaanbaxyada Jimcaha ka dhici doona lagu laciifiyo (News ku dil news kale).

97150cookie-checkMa Dhabaa In Taageerayaasha Farmaajo Oo Isku Uruursanayaan Garoowe