Khilaaf, Kala Shaki Soo Kala Dhex Galay Maamulka Somaliland & Dowlada Djibouti ..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf iyo kala shaki soo kala dhex galay Dowlada Djibouti iyo Maamulka Gooni goosadka Somaliland, kadib markii uu Wasiirka Maaliyada Djibouti uu ka hadlay Mashruuca dib u hagaajinta wadada isku xirta Lowya-Cadde iyo Boorame…

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Djibouti Mr.Ilyaas Muuse Dawaale oo qoraal ku baahiyey bartiisa X ama Twitter-ka, isagoo qoray “Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Wada-hawlgalayaasha EU, Bangiga Adduunka & AfDB ay diyaar u yihiin inay qaadaan Farqiga Maaliyadda, Waa inaan si deg-deg ah Dadkeena u gaarsiino faa’iidada wadadaasi laga filayo qaybta Lowyacaddo ilaa Saylac..”

Hadalkaan ayaa loo arkaa mid siyasaded, laakiin Dowlada Djibouti ayaa ku doonayso inay tuhumada ku xeeran dhismaha wadada isku xireysa Lowyacaddo ilaa Boorama laga doodo meeshana laga saaro, xeeldheerayaasha falanqeeyay hadalka Wasiirka Maaliyada ayaa dul istaagay in muddo uu mugdi ku jiray xiriirka u dhaxeeya Maamulka Muuse Biixi iyo Dowlada Djibouti kadib heahiiska Ethiopia.

330240cookie-checkKhilaaf, Kala Shaki Soo Kala Dhex Galay Maamulka Somaliland & Dowlada Djibouti ..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *