USA Oo Martigelineysa Kulan Dhaqaale Loogu Uruurinaayo Somalia..

Uncategorized

Ilo Diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Dowlada Washington ay dhawaan marti gelin doonto Kulan Qaaraan loogu uruurinaayo Ciidamada Somalia, waxaana lagu wadaa iney ka soo qeyb galaan ilaa 6-Dal oo ay ku jiraan Midowga Europe kaasoo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Newyork…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Yabooha kaalmadaan ay si gaar ah u khuseyso Ciidamada Dowkadda Federaalka, iyadoo lagu wado iney ka soo qeyb galaan Kulanka Dalalka USA, Qatar, UAE, Turkiga, Sacuudiga iyo Dalalka ku bahoobay Midowga Europe, wsxaana lagu wado in Qaaraan uu Somalia gaarsiin karo hadii helo baahida Qalab iyo Saad ee Ciidamada Federaalka Sanadka 2027-ka.

Ciidamada Dowladda ilaa 2006-dii dagaal kula jirtay Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo kooxdani laga saaray Magaalooyinka waaweyn, balse weli maamulaan degaano badan oo Baadiyaha ah, abaabul ay Ciidamada Dowlada oo kaashanaaya Xoogag Maxali ah oo soo bilaawday sanadkii tagay (2022-kii), Iskaashgasn ayaa suurto geliyay in Degaano badan laga xoreeyo kooxda Shababka.

Kooxdaan oo cadaadis kaga imaanaya Gulufka Ciidamada Dowlada ayaa kaga jawaabay qorshe laba afle ah, waa marka hore waxey isku dir ka dhex bilaabeen Beelaha dhexdooda, iyagoo ku taageeray Beelaha qaarkood Hub iyo Rasaas, ku darsoo waxey kordhiyeen beesiga Fariisimada Ciidamada Dowlada, iyadoo khasaare xoogan gaarsiiyay Ciidamada Dowada ee ku sugan Konfurta iyo Bartamaha Somalia.

267520cookie-checkUSA Oo Martigelineysa Kulan Dhaqaale Loogu Uruurinaayo Somalia..