Maxaa Xiligaan Xilka Looga Xayuubiyay Mascuud

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe laga soo diyaariyay Magaalada Dhuusa mareeb lagana ansixiyay Villa Somalia, Qorshahaan ayaa salka ku haya sidii loo boobi lahaa Kursiga Hop#147 uu uu ku fadhiyo Mahad Salaad, waxaana loo diyaariyay Horjooge Cali Jeeb ku jire..

Si loo fududeeyo boobka kursiga, waxaa Xilka Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, laga xayuubiyay Gen.Mascuud Maxamed Warsame, oo qaraabo la ah Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, kaasoo kursiga ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa xilkaas loo magacaabay Col. Bashir Ciise Daarood, oo ehel dhow la ah Cali Yare Cali. Col. Bashiir Ciise waa Sarkaal beeleed, muddada howlgab ku ahaa Magaalada Mogadishu hayeeshee, bilihii la soo dhaafay waxaa lagu tirinayay safka Farmaajo.

Mahad Salaad Oo Lagu Eedeeyay Inuu Dagaalkii degaanka Guricel abaabulay isla markaasna Mascuud u adeegsaday in Marasta degaanka la baraciyo ayaa xiligaan wajahaaya dagaal mindhicireed kala dhaxeeya Farmaajaha Fashilmay iyo Horjooge Qorqor, iyadoo kursigiisa loo diyaarshay shaqsi caado qaate ah.

160800cookie-checkMaxaa Xiligaan Xilka Looga Xayuubiyay Mascuud