Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Maamulka SSC & Odayaasha Dhaqanka Qaarkood..

Politics Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas caanood ee Xarunta Maamulka SSC ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Hogaanka Maamulka iyo mid kamid ah Garaadada Degaanka, kadib markii lagu eedeeyay Garaad Jaamac Garaad Cali oo soo jeediyay in la isku biiriyo Gobolka Sool & Waqooyiga Gobolka Mudug..

Waxaa marqaati ma doonto ah in madaxdhaqameedku unkeen Maamulka SSC, hase ahaatee, Dastuurka maamulku wuxuu awoodda dejinta siyaasadda siinayaa hoggaamiyayaasha siyaasadda, Markii qalalaasihii Ceerigaabo uu taagnaa dhowr toddobaad ka hor, madaxdhaqameedka SSC, oo uu hoggaaminayay Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan, waxay soo saareen baaq taageeraya in nabadda Ceerigaabo la dhowro lana qaddariyo heshiiskii 1995kii Ceerigaabo ka dhacay.

Maamulka SSCK waxaa la gudboon inuu xakameeyo kaalinta madaxdhaqameedka oo hadda u muuqata mid kala dhantaali karta midnimada dadka SSC, Waa in si cad loogu sheego madaxdhaqameedka inay ka waantoobaan haddallada xanafta leh oo meel-ka-dhac ku ah beelaha Soomaaliyeed. Waa waajib diini in qofku uusan waxba ka sheegin abtirsiinyada qof kale. In la is waaniyo ayaa ka wanaagsan in la isu aamuso. Qofka qaldan qabasho ayuu nagu leeyahay  si maamulku u guto waajibkiisa oo haddii uu gudan waayo loola xisaabtamo.

345040cookie-checkKhilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Maamulka SSC & Odayaasha Dhaqanka Qaarkood..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *