Rooble Oo looga Digay Daahinta Doorashada

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Wakiilka UN-ka Ee Somalia, Hogaanka Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka walaacsan daahitaanka doorashada Somalia, iyo cago jiid ay sheegeen inuu ka jiro sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigii ay ku heshiiyeen DF iyo dowlad goboleedyada…

Kulamo iyo xiriiro la la sameeyay Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble ayaa loogu sheegay inuu doorashada dadajiyo oo dib udhaca ka ilaaliyo, 60-kii casho ee la qabtay in ay ku bilaabato doorashada, ayaa lagu xoojiyay in aysan dhaafin, Wakiilada Beesha Caalamka waxay u caddeeyeen in ay wax walba diyaar ka yihiin oo iyadana aysan waxba u xayirnayn.

Xogo ayaa tilmaamaya in Mr.Rooble uu galay han ah Sanad in Wakhtiga u lumiyo si uu u gaarsiiyo dhamaadka sanadkaan waxaana heshiis kula ah Farmaajo iyo Adeege Fahad Yasin, Sidoo kale Rooble waxaa soo gaaray casuumado dhowr ah oo mid ay tahay Kenya halka mid kale ay ka soo gaartay UAE, wuxuuna qorshaynayaa inuu dalalkaasi soo gacan mariyo.

Dhanka kale Prof Kabire ayaa sheegay “Firaaqa iyo habacsanaanta ka muuqata Hogaanka iyo Hey’addaha Dowladda waxaa daawo u ah dedejinta mashruuca doorashada. DF, Dowlad Gobolleedyada iyo beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaya in aan waqtiga la dilin, oo doorashada la dedejiyo, heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhammaadkii bishii May wuxuu abuuray jawi doorasho, laakiin mudada la cayimay oo labo bilood ah iyo shaqada sida luudiska u socota isma qaadan karaan. Waxaan ku baaqeynaa in shaqada doorashada ahmiyad weyn la siiyo oo aan dalka iyo Dowladnimada fursad kale laga lumin.

124340cookie-checkRooble Oo looga Digay Daahinta Doorashada