Khilaafka Villa Somalia iyo Maamulka Konfur Galbeed oo Xargo goostay & Sababta..

Security Somalia news

Waxaa 3-dii Maalmood ee u dambeysa faraha ka baxay khilaafka u dhaxeeya Hogaanka Maamulka Konfur galbeed iyo Madaxtooyada Somalia, iyadoo isku dayo laga qaboojinaayo xiisada ku soo dhamaatay Fashil kadib markii Madaxweynaha Konfur galbeed uu shuruudo ku xira dhameynta Xiisadaan oo adag..

Xogo loo qaateen ayaa sheegaya in Mr.Lafta gareen uu ku adkeystay in Dowlada Federaalka ay xilalka ka xayuubiso Wasiirka Gaashandhigga, Wasiirka Cadaalada, Arrimaha, gabi ahaan la joojiyo Safarka qorsheysan ee Kooxaha Mucaaradka ku tegi doonaan magaalada Baraawe iyo dib loogu celiyo Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee lagu xoojiyay Amaanka magaalada Baraawe.

Wararka ayaa sidoo kake sheegayaan in Taliyihii Guutada 9-aad iyo ilaaladiisii ee fariisinkeedu yahay magaalada Xuddur oo Wasaarada Gashandhiga oo ku xanibay magaalada Mogadishu inkastoo markii dambe la siidayay laguna wado in maanta uu dib ugu laabto magaalada Xuddur, ku darsoo labada Duulimaad oo Ciidamo Maamulka Lafta gareen daacad u ah ayaa laga hor istaagay iney gaaraan magaalada Baraawe.

Khilaafkaan siyaasadeed ayaa u muuqda mid xargo goostay iyadoo shuruudaha dhinacyadaan soo bandhigeen ay sii fogeeyeen dadaalada dib u heshiisiinta iyo mideynta Dalka iyo sidii looga hortagi lahaa fara gelinta Ethiopia iyo qorshe Villa Somalia ay ku dooneyso iney Siyaasiyiinta Mucaaradka ku geyso magaalada Baraawe halkaasina lagu qabto Doorashada Hogaanka Maamulka oo muddo 3-sano sharciyadii ka dhacday.

343480cookie-checkKhilaafka Villa Somalia iyo Maamulka Konfur Galbeed oo Xargo goostay & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *