Heshiis Laga Gaaray Doorashada Hogaanka Maamulka & Xildhibaanada Konfur Galbeed

Somalia news

Is-jiijiid badan iyo Gacan hadal dhiig ku daatay kadib, Waxaa ka soo baxay War murtiyeed Shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyadoo dhinacyada isku hayay Maamulka ay heshiis ka gaareen khikaafkii xooganaa ee ka dhashay Doorashada Maamulkaasi…

Waxaa lagu heshiiyay in doorashada Xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed la qabto bisha January ee sanadka 2024, waxaana sidaasi dhaqangal ku noqday halkii sano ee madaxweyne Lafta Gareen loogu kordhiyay, waxaana loo xil saaray Wasaarada Arrimaha Gudaha iney fuliso Heshiiskaan, iyadoo soo xulista Xildhibaanada ay bilaabaneyso bisha Novembar ee Sanadkaan ayna u xil saaran yihiin Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu soo afjaro is-mariwaagii u dhexeeyay Madaxweyne Lafta Gareen iyo Hogaamiyayaasha kooxaha Mucaaradka Koonfur Galbeed, taasoo sidoo kale caqabad ku ahayd wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Kooxda Argagixisada oo K/Galbeed laga bilaabayo.

240740cookie-checkHeshiis Laga Gaaray Doorashada Hogaanka Maamulka & Xildhibaanada Konfur Galbeed