Ganacsatada Cadaado Oo Ka Soo Horjeystay Canshuuro Lagu Soo Rogay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada cadaado ayaa waxey sheegayaan in Maanta Inta badan xiran goobaha ganacsiga, kaddib markii ganacsatadu ay ka biya Diideen bixinta lacagaha canshuurta ah oo ay kusoo rogtay Wasaarada Maaliyadda  Maamulka Galmudug…..

Wararka ayaa sheegaya Ganacsatada Magaaladu ayaa dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan lacagaha ay kusoo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, iyagoo inta badan xiray goobahooda Ganacsiga.

Qaar kamid ah Ganacsatada Magaalada Cadaado ee banaanbaxa sameeyay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen inay kasoo horjeedaan lacagta ay ku amartay Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, isla markaana aysan awoodin.

65880cookie-checkGanacsatada Cadaado Oo Ka Soo Horjeystay Canshuuro Lagu Soo Rogay