Share the post "Khilaafyada & Dagaal-Mindhicireedka Danleyda Siyaasada Oo Fursad Siisay Kooxaha Argagixisada.."
Dalka Somalia ayaa muddo wuxuu dheer taagnaa isgoys mugdi ah oo halis ah, iyadoo qaab dhismeedka Hey’adaha Amaanku ay aad ugu nugul yihiin Cadaadisyada kooxaha Argagixisada iyo Dagaalada Beelaha oo ay daaha gadaashiisa ka hagayaan Siyaasiyiin Danley ah iyo dagaal mindhicireedka aan dhamaadka laheyn oo fursad siiyay Argagixisada, Waxaa intaasi u sii dheer musuqmaasuqa xargo goostay…
Kooxda Argagixisada Shababka oo muddo 17-sano dhibaato muuqato ku ahaa Dowlad dhiska iyo xasilinta Amaanka Dalka ayaa waxaa dhibaato kale noqotay soo shaac baxa iyo is balaarinta kooxda Daacish ee dhulka Buuraleyda Degaanada Puntland ee Somalia muddo 7-sano gudahood, Maamuladii halkaasi isaga dambeeyayna ay dayaceen iney xakameeyaan Kooxdani curdanka ah oo dhibaatada xoogan ku hayay Degaanada ku xeeran magaalada Boosaso.
Sidoo kale, Hogaanka Dalka iyo Maamulka Puntland ayaa waxey ka door bideen intii ay dhisi lahaayeen Ciidamo Qaran iney hubeeyeen isla markaasna dhiiri geliyaan Xoogaga hubeysan ee Beelaha taasoo dib u soo cusbooneysiiyay dagaaladii sokeeye ee beelaha dhexdooda ku darsoo soo shaac baxa Awooda Kooxda Daacishta Somalia waxaa xudun u ah khilaafka gaamuray ee shaqsiga ee u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, waxaana farta lagu godaa in Dowlada UAE ay qorsheysay in Sida Dalka Sudan uu Dalku dib ugu laabto dagaaladii ahliga.
Cawaaqib xumada ka dhalatay dayacaasi ay geysteen Siyaasiyiinta Danleyda ee xiligaan aad bay u qoto dheeraatay, Kooxaha argagixisadu waxay ka faa’iidaysteen faaruqa amniga, iyagoo balaariyey degaanada Buuraleyda ah ee Dowladnimada aan la gaarsiin saamayntooda, waxayna ku soo rogeen (Baad) cashuuro caburin ah ganacsatada, waxey awood u yeesheen iney Hub iyo khubaro argagixiso ah Degaanadaasi dejiyaan isla markaasna Haween Soomasliyeed u guuriyaan Caruurna ka dhalaan.