Somalia & Iran Oo Heshiisyo Kala Saxiixanaaya

Somalia news World

Dowladda Federaalka ayaa la sheegayaa iney xiligaan ay diyaar u tahay xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeelato jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran, kadib markii uu muddo sanado ah uu aad u hooseeyay Xiriirkaasi heer uu gaaray in Safaaradaha la kala qaato.

Wararka ayaa sheegaya in Labada Dowladood ayaa sidoo kale lagu wadaa iney bilaabaan diyaarinta Heshiisyo iskaashi oo dhexmara, sida ay wakaaladda wararka Iran ee IRNA ka soo xigatay Danjiraha Iran u fadhiya Nairobi, Ali Gholampour wuxuuna intaasi raaciyay in xabsi ku yaala magaalada Muqdisho laga sii daayay 33 Kaluumeysato iyo Badmaaxayaal u dhashay Iran, kuwaaso loo xiray inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Somalia sanadkii hore.

Dalka Somalia ayaa xiriirka u jirtay Dalka Iran sanadkii 2016-kii kadib markii ay ku eedeeyeen Dowlada Iran iney dara gelin ku heyso Arrimaha Caqiidada oo ay Dhaqaale ku boxiyeen in kooxo Muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku biiraan Mad-habta Shiicada taasoo wel wel badan ku abuurtay Culumo badan oo Soomaaliyeed qeylo dhaana kasoo saareen.

317320cookie-checkSomalia & Iran Oo Heshiisyo Kala Saxiixanaaya
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com