Caqabadaha Hareeyay Horumarka 100-ka Maalmood ee uu ku sugan yahay Villa So

Somalia news

Guusha 15-kii May ee Madaxweynaha cusub ee Somalia waxey ku timid, kadib markii Maamulkii fashilmay ee Farmaajo uu muddo xileedkiisa iyo dheeraad ku dhameystay kala qeyb Shacbiga, Burburin Maamulo dhisan, Amni darro, Xaalaad Abaareed iyo qalalaase doorasho oo daba dheeraatay…

Soomaali badan oo samojecel ah ayaa rajo weyn ka qabay in Madaxweynaha cusub inuu markiiba u howl geli doono dhaqaajinta Dowladnimada ay Dadka Soomaaliyeed aad ugu hamuun qabeen & arrimaha Hortebinta leh, isagoo lagu tabaayay khibrad iyo inuu dhameystiri doono Qabyadiisii.

Ayaan darrase, wuxuu dib u bilaabay dhaqankiisii lagu yiqiinay muddo xileedkiisii hore, wuxuuna isbedel shaki badan dhaliyay ku sameeyay Hogaanka NISA isagoo aan la sugin Dhismaha & ku dhawaaqista Xukuumada cusub, una dhiibtay Gacan-yarihiisa (Mahad Salaad), wuxuu ku hanjabay inuu dagaal la gelaayo Kooxda argagixisada Shababka.

Waxey kaga jawaabeen dagaalo aan horey loo arag ay ku qaadaan kana talaabiyaan afkaartooda Xadka Somalia & Ethiopia, waxey kordhiyern Dilalka Qorsheysan, waxey qaraxyo ka geysteen Magaalooyinka Mogadishu, Marka, Beydhabo, Jowhar & degaano kale.

Horumarka 100-ka Maalmood Xasan Sheekh:-

Xukun isku koobid:-Xasan ayaa balanqaaday intii uu waday ololaha doorashada inuu wato Treen Dadka oo dhan wada qaada isla markaasna aysan waxba ka jirin dacaayadaha suuqa loo geliyay ” Inuu Gaargiisa buuxo”, macnaheeduna tahay in Kaadiriinta Xisbigiisa uu xukunka ku koobi doono marka uu Madaxweynaha noqdo taasoo dhab noqotay.

210180cookie-checkCaqabadaha Hareeyay Horumarka 100-ka Maalmood ee uu ku sugan yahay Villa So