Kolonyo Ciidamo Ethiopian ah Oo ka soo Talaabay Xadka Gobolka Hiiraan kuna sii jeeda..

Africa News Security Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Kolonyo Ciidamo Ethiopian ah oo ka soo talaabay Xadka Degaanka Ferfer ayaa soo gaaray agagaarka Degaanka Kalabeyr, sida ay shedgeen ilo wareedyo loo qaateen, Ciidamadaan ayaa qeyb ka noqonaaya kuwa Dagaalka kula jira Kooxda Argagixisada Shababka ee Shabeeleda dhexe..

Dhaqdhaqaaqa Ciidamadaan ayaa soo shaac baxay kadib markii diyaaradaha dagaalka Ethiopia ay duqeeyeen bartilmaameedyo Msleeshiyaadka Shabaabka oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe, sida uu Khamiistii xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, iyadoo degaano horey looga saaray Kooxdaan ay dib ula wareegeen, waxeyna hadda kaabiga ku hayaan Degmada Aadan Yabaal.

Duulaanka Kooxda Shababka syaa dib uga soo laba kacleeyay degaanada kor ku xusan, kafib markii uu habac kala daadasho ku yimid Ciidamadii iyo Xoogagii Degaanka, waxaana ka faa’iideystay Maleeshiyaadka Shababka kuwaasoo u suurto gashay iney dib u qabsadaan Tuulooyinka Alkowthar, Boos-Hareeri iyo kuwo kale oo ku dhow.

Iskaashigan cusub ee Ciidan ee Dowlada Federaalka iyo Ethiopia ayaa wuxuu muujinayaa isbeddel istiraatiiji ah oo ay labada dal sameynayaan si ay u xakameeyaan dib usoo kabashada Shabaabka ee Degaanada Hirshabelle Somalia, iyadoo Hogaanka Maamulka lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada Shababka.

363100cookie-checkKolonyo Ciidamo Ethiopian ah Oo ka soo Talaabay Xadka Gobolka Hiiraan kuna sii jeeda..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *