Dooni Ku Degtay Meel 6o-Mile u Jirta Dekeda Boosaaso..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Doon siday shamiito ayaa saaka ku degtay meel 60Mile u jirta dekeda Magaalada sida ay xaqiijiyeen ganacsatadii ay u rarnayd, kuwaasoo la hadlay Warbaahinta Gudaha…

Doontan oo lagu magacaabo Shamis ayaa shimaatada kasoo qaaday dalka Yemen, waxay u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Boosaaso, Naaquudaha iyo shaqaalaha doonta degtay oo soo hadlay codsaday in loo fidiyo gurmad maadaama saaran yihiin saxiimad yar halkan qaar kale maciinsadeen looxaan dul sabaynaya badda.

Maamulka Puntland & kan Dowlada Federaalka ayasn wali wax war ah ka soo saarin xaalada doonta degtay, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan Doonyo Kaluumeysi ah gurmad u fidiyeen halka Shaqaalaha ay Dooni yar ku soo gaareen xeebta Boosaaso.

263300cookie-checkDooni Ku Degtay Meel 6o-Mile u Jirta Dekeda Boosaaso..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com