Koox Taageeran Villa Oo Carqaladeeyay Amaanka Kismaayo..

Uncategorized

Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in goor dhow is-rasaaseyn ay ka bilaabaray qeybo ka mid ah gudaha magaaladaasi.

Is-rasaaseyntaan oo weli socda ayaa lagu soo warramayaa inuu dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo dabley taabacsan, Cabdinaasir Seeraar oo isna sheegta madaxweynaha maamulkaasi, waxeyna ka dhaceysaa Xaafada Siinay.

Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocdyadiisa kala duwan, sida Diinah.com u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Warar ayaa sidoo kale sheegaya in is-rasaaseyntani ay timid, kadib markii Ciidamada Seeraar laga celiyey waddo u xirneyd ciidanka Jubbland.


16600cookie-checkKoox Taageeran Villa Oo Carqaladeeyay Amaanka Kismaayo..