Faahfaahin Laga Helay Gaari Ku Qarxay..

Uncategorized

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax Gaari oo saakay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Benadir.

Qaraxaan oo la sheegay inuu ahaa miino lagu xiray Gaari nooca Toyota Hilux oo wadada maraayay kaasoo la sheegay inuu lahaa Agaasimaha Wasaarada Howlaha guud ee Dowlada Federaalka, iyadoo la sheegay In qaraxa uu ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qof Haweeney ah oo la socotay Gaariga ayaa la sheegay iney ku geeriyootay, waxaana ku dhaawacmay 2-qof oo kale, Qaraxaan ayaa In muddo ah hakad geliyay isusocodka wadadaasi, inkastoo markii dambe ay caadi ku soo noqotay.

15520cookie-checkFaahfaahin Laga Helay Gaari Ku Qarxay..