Kooxda Shababka Oo Gubay Gaadiid Dhismaha Wado Ka Waday Lamu-Gaarissa

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan Oo Kooxda Shababka ay xalay saqdii dhexe ku qaadeen isla markaasna gubeen 8-Gadiid oo ka howlgalaayay Dhismaha Wado cusub oo ka baxeysa Degaanka Lamu isla markaasna tageysa Ethiopia iyo South Sudan…

Weerarkaan ayaa ka dhacay degaanka Omolo-Bodhai oo ku taal Wadada Lamu-Gaarisa, Gaadiidkaan ayaa lasheegay iney iska leeyihiin Shirkad Chinese ah oo Dhismaha Wadooyinka qaabilsan, Falkaan ayaa ku soo aaday kadib 24-saac ay soo shaac baxeen xan ku aadan in Kooxda diyaariyeen qorshe weerar oo ay ka geysan rabaan Mashruuca LAPSSET.

Hey’addaha Amaanka Kenya ayaa culeys ku saaray Mas’uuliyiinta Shirkada Dhismaha iney Shaqaalaheeda Ajnabiga iyo kuwa Kenyan ah iney ka saaraan goobaha ay shaqooyinka ka wadaan.

163890cookie-checkKooxda Shababka Oo Gubay Gaadiid Dhismaha Wado Ka Waday Lamu-Gaarissa