Muxuu yahay Xanuunka looga Daaweynayo Dalka UAE Madaxweynaha Jubbaland

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa xaalada caafimaad ee Madaxwaynaha Dawlad Gobaleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo muddo isbitaal ku yaal Dalka UAE ku jiray, waxaana soo wanaagsanaanaysa, kaddib todobaadyo lala tacaalayay xaaladiisa oo liidatay….

Wararka ayaa sheegay in Mr. Axmed Madoobe oo xanuuno la daalaa dhacay tan iyo bishii Maarso ee sannadkan, ayaa xaaladiisu ka dartay bishii July, isagoo ku siibtay suuli uu ku jiray gudaha Madaxtooyada Kismaayo.

Saraakiil kamid ah Madaxtooyada Jubbaland ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha xaaladiisu ay hadda wanaagsan tahay, uuna helay ogolaanshaha dhakhaatiirta ee la xariira inuu baxo, Saraakiishan ayaa xusay inay u badan tahay in todobaadka soo socda uu dib ugu soo laabto Kismaayo, halkaasoo uu ka bilaabayo shaqadiisii.

209790cookie-checkMuxuu yahay Xanuunka looga Daaweynayo Dalka UAE Madaxweynaha Jubbaland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com