Kooxaha Mucaaradka ku ah Maamulka Lafta gareen oo Qaadacay Heshiiskii

Somalia news

Kooxaha Mucaaradka ku ah Maamulka Konfur galbeed ayaa soo saaray qoraal ay ku qaadaceen heshiiskii ay wadajirka u soo saareen Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, iyagoo digniin adag u diray…

Golaha ayaa cadeeyey in wixii ka dambeeya 19-ka bishaan uusan Laftagareen heysan sharciyad uu ku sii joogo kursiga, iyagoo nasiib darro ku tilmaamay baaqashada shirkii uu horay u iclaamiyey Aadan Madoobe in la isugu yimaado 19-ka bishaan December.

“Goluhu wuxuu cadeynayaa in habayaraatee wax wadatashi ah aan lagala sameyn war-murtiyeedkii uu maanta soo saaray guddoomiyaha golaha shacabka, wuxuuna goluhu cadeynayaa in si buuxda uu u qaadacay bayaankaas,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Sidoo kale bayaankaan waxaa lagu soo dhaweeyey sii deynta siyaasiyiin ku xirnaa K/Galbeed, iyagoo dalbaday in lasii daayo siyaasiyiin kale oo ay ka xuseen Xasan Aadan Ilkacase oo maamulka u xiran.

231780cookie-checkKooxaha Mucaaradka ku ah Maamulka Lafta gareen oo Qaadacay Heshiiskii
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com