Share the post "Kooxda Shababka oo soo bandhigtay Diyaarad Kuwa Ciidamada oo Ciladi Ku Timid.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarad kuwa Quumatiga u kaca (Helicopter) oo ay iska lahaayeen Ciidamada AUSSOM gaar ahaan kuwa Burundi oo cilad ku timid xili ay u kala goosheysay Degaanka Xawaadley iyo Degmada Balcad kuna degtay Degaan ay Maamulaan Kooxda Shababka..
Wararka ayaa sheegaya in kooxda Argagixisada Shababka ayaa soo bandhigay diyaaradaan (helicopter) oo Askartii la socotay iyo Duuliyihii waday ayaa ka cararay goobta markii ay si nabad ah diyaaraddu u degtay, taasoo fursad siisay dagaalamayaal ka tirsan argagixisada Shabaabka inay si fudud ula wareegaan.
Diyaaradaan oo ah tii ugu horreysay oo aan burbur xooggan soo gaarin oo ku dhacda gacanta kooxda Shabaabka, waxaana aan la hubin in ciidamada Burundi ay awoodi doonaan inay dib u qabsadaan Kooxdaan oo gacanta ku haysa inta badan Degaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe.