Ma Dhabaa In Wasiirka Qorsheynta Lagu Xanibay Garoowe

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in xiisado colaadeed ay Ka Taagan Tahay Gudaha Magaalada Garoowe kadib markii Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka lagu xanibay inuu ka baxo Magaalada..

Wararka hordhaca ah ayaa dheegaya in Wasiirka Qorshaynta Dowladda Federaalka Jamaal Maxamed Xasan oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe ayaa uga sii gudbay dhinaca degmada Dhahar Oo uu ka soo jeedo.

Saraakiisha Amniga Garoowe diyaaradaha Caalamig ah ee caasimadda Garoowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsan in xiisad ka dhalatay imaatinka Wasiir Jamaal, Saraakiisha ayaa sheegay in Faafinta wararkaas uu ka dambeeyo Wasiirka oo doonaya inuu kiciyo jaah-wareer bulsho islamarkaana dano siyaasadeed ka leh arrintaas.

Wararka aySoo dhowaynta Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa haatan ka socota magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan halkaas oo dadweyne kala duwan ku sugan yihiin, Jamaal Maxamed Xasan ayaa isu-diyaarinaya olole ku jihaysan in uu mar kale ku laabto kursiga Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka.

142220cookie-checkMa Dhabaa In Wasiirka Qorsheynta Lagu Xanibay Garoowe