Kooxda Xuutiyiinta oo Sare u Qaaday Weerarada Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Xamuulka..

World

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcihii sheegtay mas’uuliyada weerar lagu qaaday markab ku gooshayay calanka dalka Liberia oo marayay biyaha badda cas, kaasoo sida ay sheegtay hey’ad arrimaha badaha ka shaqeeysa, ka badbaaday shan gantaal oo lala beegsaday..

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sidoo kale beegsadeen saddex markab oo kale oo ay ku jiraan laba markab oo marayay badda Mediterranean-ka, Kooxdaan oo xulafada la ah Iran ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradooda ay ku qaadayaan marinnada maraakiibta ay ku garab taaganyihiin kooxda Xamaas ee dagaalka kula jira ciidamada Israel.

Afhayeenka Xoogaga Xuutiyiinta (Yahya Saree), ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka Yemen ku sheegay in kooxdan ay gantaalada balaastikada ah ku garaaceen markabka Delonix oo ah nooca shidaalka qaada, Gantaalana cusub ay la heleen.

Si kastaba ha ahaatee, Hey’adda Kormeerka Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay goor hore oo shalay ah in markabka oo lagu bartilmaameedsaday meel 172 mile waqooyi-galbeed ka xigta dekedda Xudeydah ee dalka Yemen, uusan soo sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray weerarka

333730cookie-checkKooxda Xuutiyiinta oo Sare u Qaaday Weerarada Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Xamuulka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *