Mareykanka Oo Wada Qorshe dib loogu Habeynaayo Golaha Amaanka ee UN-ka..

World

Warar hordhac ah ayaa muujinaaya in Maamulka Washington Mareykanka ayaa wada qorshe dib loogu habeynayo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, sidaas waxaa qoray Wargeyska The Washington Post, iyadoo uu soo jeediyay in la balaariyo Tirada Golaha, kadib markii Golahaan ay noqdeen kuwo Howlgab ah…

Sida laga soo xigtay Wargeyska, Washington ayaa soo jeedinaysa in tirada Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay la balaariyo oo lagu kordhiyo ilaa lix Dal oo cusub oo joogto ah, kuwaasoo aan yeelan doonin awoodda diidmada qayaxan, Qaraarkaan qabyada ah ayaa xustay in Danjiraha Maraykanka ee QM Linda Thomas-Greenfield ayaa wada la tashiyo ay la yeelaneyso Diblamaasiyiin ka socda 193-Dal oo Xubnaha ka ah si ay fikradahooda uga helaan qorshahan.

Dhaqangelinta Nidaamka dib-u-habaynta ah ayaa wuxuu u baahan doontaa Ogolaanshaha 128 ka mid ah. Waxaa sidoo kale loo baahan doonas in bedelo Axdiga QM uu ku dhisan yahay,
Dib-u-habayntani waa inay noqotaa mid jawaab u ah “Niyad-jabka sii kordhaya ee Golaha Amaanka ee QM ee awood la’aanta inuu joojiyo iska horimaadyada caalamiga ah ee ku dhisan Danaha Dalalka Awooda leh” iyo “Aqoonsiga saameynta sii kordheysa ee Adduunka soo koraya,” ayuu qoray wargeyska Washington Post.

Sida laga soo xigtay ilo loo qaateen ah, Gudoonka Congress-ka Mareykanka ayaa laga yabaa inuu ganafka ku dhufto Qorshahaan diidana inuu amsixiyo, bacdamaa aan laga talo gelin Dib u habeyntaan.

260540cookie-checkMareykanka Oo Wada Qorshe dib loogu Habeynaayo Golaha Amaanka ee UN-ka..