Kulamo Dib Loogu Eegaayo Fashilka Federaaleynta Oo Ka Bilaabanaaya Somalia

Somalia news

Waxaa Magaalooyinka Mogadishu, Kismaayo iyo Garoowe lagu wadaa iney ka bilaawdaan Kulamo dib loogu eegaayo caqabado keenay kali-talisnimada iyo burburinta Nidaamka Federaalka Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu ku hogaamiyay, kaasoo hadba heer soo marayay 4-sano uu u dambeysay gaar ahaan xiliyadii ay soo dhawaatay dhamaadka xilli dastuureedka Hay’adaha dowlada Federaalka…

Ifafaalaha soo shaac baxaayay Sanadahaan ayaa noqday in burburka Nidaamka Federaalka ee lagu heshiiyay uu gaaray iney isku milmaan Laamaha Fulinta iyo Sharci dejinta halka Garsoorka loo gacan geliyay Kooxo gaar ah o isku koobay maamulka Nidaamka Federaalka, Dhaqaalaha. Amniga Horumarinta Mashariicda, Cadaalada iyo Garsoorka, taasoo horseeday in Cadaalad loo raadsado Kooxaha Argagixisada.

Maadama Kulamadii la doonaayay in lagu xaliyo Khilaafka Doorashada uu noqday mid Fashilmay isla markaasna Maamulka loo igmaday inuu Dalka u horseedo Doorashada uu ka soo bixi waayay Kaalintii kaga aadaneyd, isla markaasna uu Muddo kororsi 2-sano oo sharci darro ku darsaday, iyadoo aan lagala tashan Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasada Dalka, hadaba Dalku uu helis u yahay go’doon siyaasadeed, Cunaqabateyn iyo Xayiraado aduunka intiisa kale.

Waxaa la sheegay in Todobaadyada soo socda Kulamo wada dib loogu eegaayo Nidaamkii lagu heshiiyay, iyadoo lagu in Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kale Ee Bulshada ay Kulan balaaran isugu imaan doonaan Magaalada Mogadishu si go’aan mideysan looga qaato Burburka ku yimid Nidaamkii Federaalka iyo in La iska dul qaado Kooxda dooneysa iney 2-sano sida sharci darrada ah ku joogto Maamulka Caasimadda isla markaasna Shacbiga loogu baaqi doono iney joojiyaan bixinta Canshuuraha Magaalada isla markaasna ka qeyb qaataan Halganka badbaadinta Nidaamka Federaaleynta.

Kulankaan guud ayaa lagu wadaa in lagu gaaro Go’aan lagu shaacinaayo inuu burburay Nidaamkii Federaaleynta Ee lagu heshiiyay, waxaana lagu wadaa in kalsoonidii lagala noqdo Dowladda Federaalka, iyadoo loogu baaqi doono Maamulada Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hir-Shabelle iyo Jubbaland iney Shir degdeg la isugu yeero kaasoo Go’aan Masiiri looga gaari doono aayaha Nidaamka Federaaleynta Ee Somalia.

111490cookie-checkKulamo Dib Loogu Eegaayo Fashilka Federaaleynta Oo Ka Bilaabanaaya Somalia