Digiino Amni Oo Safaarada Mareykanka ka Soo Saartay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Digniino Amni oo ay soo saareen Mas’uuliyiinta Safaarada Mareykanka ee Magaalada Mogadishu, waxeyna shaqaalahooda, Muwaadiniinteeda Ajaaniibta iyo Soomaalida lagula taliyay iney xadidaan dhaqdhaqaaqooda gudaha magaalada mustaqbalka dhow oo ay ku jiraan Xarumaha UN-ka iyo Xafiisyada kale ee Caalamiga ah…

Wararka ayaa sheegaya in Safaarada USA ay sidoo kale xasuusineyso Shacbiga Soomaaliyeed xakameynta dhaqdhaqaaqyada, taasoo laga yaabo in kooxaha argagixisada ay diyaariyeen qorshe falal Afduub, qaraxyo iyo Weeraro ay ka fuliyaan goobaha la isugu yimaado sida Mall’s-ka, Hoteelada Xafiisyada Dowladda iyo goobo kale.

Weeraradaan ayaa ku dhici kara digniino la’aan ama degdeg laguna qaado goobaha Dadku ku badan yihiin sida Garoonka Diyaaradaha, Dekeda ama dhismayaasha Dowladda iyo Gadiidka Ilaaladu galbineyso, Habka Weerarka argagixisada ayaa noqon kara, Gaadiid miineysan, Qof ama ka badan oo  la soo miineeyay iyo koox hubeysan oo weeraro fuliya, adeegsiga hoobiyayaal.

Xiligaan oo kooxada Argagixisadu naf la caari yihiin ayaa laga digay in falalkooda argagixisanimo ay saameyn ku yeelan karaan isticmaalka tiro weeraro aan loo meel dayin ee loo adeegsado qaraxyo iyo kuwa sunta ah ayna ka dhici karaan degaan kasta oo Gobolada Dalka ah wakhti gaaban iyo digniin la’aan.

217760cookie-checkDigiino Amni Oo Safaarada Mareykanka ka Soo Saartay Magaalada Mogadishu