Kulankii Xalay Ee Villa Somalia iyo Burburka Kooxda Farmaajo

Somalia news

Macluumaad ayaa ka soo baxaaya Kulan Adag oo xalay Ka dhacay Madaxtooyadda Villa-Soomaaliya kuna dhex-maray Mr.Farmaajo iyo Fahad-Yaasiin oo isku dhinac ah iyo Wasiirka 1-aad Oo dhinac kale ah…

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Kulankaan Oo saacado badan qaatay ayaa la isla-gaaray saqdii dhexe, waxaana Reysalwasaaraha ku hanjabay inay is-casilayaan Golihihiisa Wasiiradda hadii Madaxweynaha bishan bartamaheedda uusan ku dhawaaqin inuu ayiddo go’aan la isugu yeerayo Madaxdda Maamul Goboleedyadda, Asxaabta iyo saamileydda Siyaasadda, kaasoo looga wadda hadlayo in la qabto doorasho la isku wadda raacsanyahay.

Wararka ayaa sheegay in Hadii Madaxweynaha uu ka biyo-diido taladda Wasiirka 1-aad, waxay u badantahay inuu Golihiisa Wasiiradda ugu baaqo inay is-casilaan, kadibna isaga ayaa ugu dambeyn xilka isaga tagaya.

Xuuraanka ayaa aydaaya in Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor oo ka mid ahaa Golihii Wasiiraddda ee Mr.Kheyre inta aan Dhuusamareeb lagu dooran, ayaa hadiiba ay dhacdo inuu kursigga iska Casilo, wuxuu taageeri-doonaa go’aankii ay isku raaceen 3da Maamul Goboleed ee Jubbaland, Hirshabeele iyo Puntland oo ku baaqay in la qabto kulan wadatashi oo doorashadda looga wadda hadlayo, hadii Qoorqoor ka baxsaddo Madaxweyne Farmaajo, waxaa kulanka Saamileyda Siyaasadda iyo Dawaladda Federaalka ay u badan tahay in lagu qabto sidda aan ka soo xigtay ilo wareedkaan Magaaladda Gaalkacyo.

41290cookie-checkKulankii Xalay Ee Villa Somalia iyo Burburka Kooxda Farmaajo