Kulan-Beeleed Bayaan Dhowr Qodob Ka Kooban Laga Soo Saaray

Somalia news

Xalay waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey kulan ay isugu yimaadeen Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye, kaasoo laga soo saaray ku dhawaad 10-Qodob oo looga hadlay marxalada iyo arrimaha doorashooyinka Dalka…

Odayaasha & qeybaha kale ee Bulshada ayaa bayaanka ku cadeeyey iney taageero buuxda la garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagoo soo dhaweeyey go’aankii uu dalka uga ceyriyey Madaxii howlgalka Midowga Afrika ATMIS ee Somalia.

Sidoo kale Waxgaradka Beelaha Hawiye ayaa Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ku eedeeyey inuu bilaabay isku dirka Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Hawiye, Dir, Digil iyo Mirifle, isagoo isku dhacooda ka dhex arkaya danihiisa siyaasadeed.

Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqayaan Ciidamada Qalabka sida in aan loo adeegsan dhibaateynta Shacabkooda, iyagoo fulinaya dano gaar ah oo ay leeyihiin madax mudo xileedkii ka dhamaaday,” ayaa lagu yiri Bayaanka.

180950cookie-checkKulan-Beeleed Bayaan Dhowr Qodob Ka Kooban Laga Soo Saaray
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com