Qoysaska Ka Barakacay Guriceel oo Xaalad adag ay la soo deristay

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa laga helayaa tiro badan oo Qoysaska ka barakacay Magaalada Guriceel ayaa la soo sheegaya in xaalado adag oo nololeed ay ku wajahayaan deegaanada ka baxsan magaaladaasi, iyadoo sidoo kale Degaanada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay dhibaatooyin ku hayaan Dadka Rayidka ah..

Wararka ayaa sheegay in Inta badan Qoysaskaan oo toddobaadkii hore isaga qaxay magaalada, kadib markii uu soo baxay warka sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku wajahan yihiin magaaladaasi, waxeyna gaareen degaanka Ceelbaraf ee Koonfurta Guriceel, iyagoo ka cabanaya hoy iyo baad la’aan, waxayna ku hooyanayaan guryo ka sameysan baco ka sameysan

Dhanka kale Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo Galmudug ay dhibaato isugu jira jir dilo, dhac hantiyeed iyo barakicin qasab ah ay ku hayaan Dadka Rayidka ah ku sugan tuulooyinka Ceel Dheere iyo Sadiiq kuwaasoo u dhaxeeya Degmada Dhuusa mareeb iyo degaanka Guricel.

146800cookie-checkQoysaska Ka Barakacay Guriceel oo Xaalad adag ay la soo deristay