Kulan ka Dhacay Madaxtooyada Oo Looga Hadlay Qodobo Amniga Khuseeya…

Somalia news

Kulan aan caadi aheyn oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada uuna ka soo qeyb galay Madaxweynaha Somalia, Kulankan ayaa looga hadlay hub iyo Rasaas sharci darro ah oo laga soo geliyay xuduuda Degaanada Galmudug la leedahay Ethiopia isla markaasna ay Dadka Rayidka ay bililiqeysteen…

Kulankaan ayaa laga soo saaray Go’aanada hoos ku xusan:-

– Soo gudbinta warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah.

– Adkeynta kormeerka hubka iyo rasaasta.

– Mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

– In si degdeg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

Iyadoo Go’aankaan la dhaqan gelinaayo ayaa lagu wadaa in caawa ay kulan deg deg ay yeelan doonaan Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka, iyagoo ka doodi doona – In si degdeg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

336220cookie-checkKulan ka Dhacay Madaxtooyada Oo Looga Hadlay Qodobo Amniga Khuseeya…