Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Oo Amray in la Qaado Isbaarooyinka Wadooyinka Qaarkood..

Somalia news

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Mr.Xamze Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qeybo badan oo ka mid ah dhagaxyada Amni ee lagu gooyay Wadooyinka xaafadaha magaalada, maadaama uu isbeddel weyn oo amni uu muuqdo…

Mr.Xamse oo ka hadlayay shir lagu soo bandhigay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga Magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay in Dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, isla markaana uu fure u yahay nolosha oo dhan, isaga oo ugu baaqay Ganacsatada iyo qeybaha Bulshada Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan dabargoynta kooxaha argagixisada.

Mr.Xamse Barre oo ku dheeraaday sida ay kooxaha argagixisada ah uga been-sheegeen Diinteenna suuban ee ay ku beegsanayaan Dadka Waxgaradka iyo Indheergaradka ah, ayaa faray hey’adaha amniga in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyey dilkii Xildhibaan hore Saalax Ibraahim Deyfullah.

Go’aanka Qaadista Dhagxaantaan ayaa u muuqanaaya mid isbedel weyn ku keeni doona Isu socodka Dadka iyo Gaadiidka, iyadoo dhibaato weyn ay ku qabeen Shacbiga isla markaasna lagu naasnuujin jiray Shirkad Ganacsi oo ay shirko ku ahaayeen Ra’iisul wasaare hore iyo Wasiirkiisii Amniga.

297200cookie-checkWasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Oo Amray in la Qaado Isbaarooyinka Wadooyinka Qaarkood..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com