Ma Dhabaa in Shababka Fariisimo cusub Ka Furteen Degaano Hoos yimaada Konfur Galbeed & Jubbaland

Somalia news

Kadib markii guuldarooyin isdaba joog ah kala kulmeen Horjoogayaasha kooxda argagixisada Shababka degaanada Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, ayeey (Kooxdu) hadda xoojinaaya sidii xeryo cusub uga furan lahaayeen degaanada Maamulada Jubbaland & Konfur galbeed…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay kooxo Horjoogayaal ah oo Sahan ah ay kormeer ku tageen degaano dhowr ah oo hoos yimaada Gobolada Bay, Bakool Qoryooley, Dujuuma, Sablaale, Saakoow Diinsor, Badhaabe, Baardheere iyo Afmadow, si Fariisimo cusub ugu dejiyaan Maleeshiyaadka & Qoysaskooda ee laga soo barakiciyay Degaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Ilo Wareedkaan ayaa si gaar ah u sheegay Kooxda Argagixisada ayaa Fariisin cusub ka dhistay nawaaxiga Degmada Afmadow oo 120-KM u jirta magaalada Kismaayo muddana dheerna go’doon ku jirta, iyagoo Fariisinkaasi oo qiyaastii u jirta magaalada 20-KM ay ka furteen xero lagu tababaro Maleeshiyaadka, sidoo kale Duleedka Degmada Diinsoor ayaa waxaa ku yaal Xabsiga ugu weyn ee ay Kooxu ku heysto Afduubayaasha Soomaalida iyo Ajaaniibta.

Dhaqdhaqaaqyadaan cusub ee kooda ayaa ku soo beegmay xili Maamulada Konfur Galbeed iyo Jubbaland aysan si rasmi ah bilaabin Ololaha lagu xidido siibaayo farsiimada kooxda, inkastoo Saraakiisha Jubbaland ay dhawaan sheegeen in Degmada Afmadow ay xarun u noqon doonto Howlgalada cusub, waxaana jiray Qorshe lagu dhisaayo Garoon diyaaradeed oo aheyd in laga hirgeliyo Degmada Afmadow.

237190cookie-checkMa Dhabaa in Shababka Fariisimo cusub Ka Furteen Degaano Hoos yimaada Konfur Galbeed & Jubbaland